Große Auswahl an günstigen Büchern
Schnelle Lieferung per Post und DHL

Bücher veröffentlicht von Looh Press Ltd

Filter
Filter
Ordnen nachSortieren Beliebt
  • von Maxamed Xuseen Macallin
    22,00 €

    "Waxaa la oran karaa walibana lagu faani karaa hal-abuurka dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed asaaggood way ka firfircoonaadeen, qayrkood way ka dheereeyeen. Qoladaan oo ay ku yaryihiin inta ku abtirsata tacliinta waxay dhabarka u riteen xil aan looga baran hal-abuurka noocooda ah dalalka kale. Waxay xambaarsadeen xilii garwadeenimada ama hoggaaminta fekerka bulshada ...Tani waa xaqiiqda jirta oo qof kasta la taabsiin karo...Waa in aan qirnaa in ay duulkani noo ceebastureen." Dr. Maxamed Daahir Afrax.Bulsho kasta waxay leedahay hal-abuuro ay tilmaamaan kana muuqda dadka dhexdooda, la yaabna ma leh in la qadariyo hal-abuurka ku xeel dheer dhaqanka, suugaanta, taariikhda iyo hantida aqooneed ee gaarka u ah iwm. Runtii qiimaha iyo waxtarka ay leeyihiin haldoorka Soomaaliyeed ma aha mid la qiyaasi karo, gaar ahaan kuwii ka muuqday masraxa iyo fagaarayaasha aqooneed ee ku firirsan dunida dacaladeyda. Waxay ahaataba qoraalka buugakani waxaa uu xanbaarsan yahay dabagalka tiirarka adag ee uu ku taagan yahay dhaqanka iyo afka Soomaaliga ee qurbaha si aynu u iftiimino dadaalada hal-doorka iyo xarumaha aqooneed ee ku aadan kor u qaadida iyo difaaca dhaqanka iyo afkeena hooyo ee qurbaha, gaar ahaan wadamada woyooyiga Yurub iyo boqortooyada Ingriiska.KU SAABSAN QORAAGA:¿¿Dr. Maxamed Xuseen Macallin wuxuu ku dhashay Muqdisho 1964kii. Sidoo kale waa bare, iyo cilmibaare. Wuxuu ka qalan jabiyay Jaamacat Umm al-Quraa' ee Makka al-Mukarama, qodob ku saabsan Taariikhda Islaamka sanadkii 1987-1991kii, isla jaamacaddaas sidoo kale master sanadkii 1992kii. PhD wuxuu ku sameeyay Jaamacada al-Niilayn ee Suudaan sanadkii 2001-2006kii. Dr Maxamed Xuseen Macallin wuxuu ka soo shaqeeyay Jaamacada badan. Sidoo kale qoraagu wuxuu ka mid yahay ururo aqooneed oo caalamka ku firirsan. Wuxuu horey u qoray dhowr buug oo ay ka mid yihiin kuwan: Diiwaanka Maansooyinka Abshir Bacadle, (2014); Taariikhda Culimada Soomaaliyeed (2021); Haldoorada Afka iyo Dhaqanka Soomaalida ee Qurbaha: Ingiriiska iyo Waqooyiga-Yurub (2023). Sidoo kale wuxuu Afcarabi ku qoray: al-Thaqaafat al-Carabiyyah war-Ruwwaaduhaa fiil-Soomaal (2011); Mucjam al-Mu'allifiin al-Soomaaliyiin fiil-Carabiyyah (2016); Cibaaqarat al-Qarn al-Ifriiqii (2017); al-Calaaqat bayn al-Qarn al-Ifriiqii wal Caalam al-Khaarijii (2021).Dr Maxamed Xuseen Macallin hadda wuxuu deggen yahay waddanka Noorwaay, waana aabbe, xaas, caruur leh..

  • von Yuusuf Xirsi Axmed
    20,98 €

  • von Abdisalam M. Issa-Salwe
    25,00 - 52,00 €

  • von Abdisalam M. Issa-Salwe
    26,00 - 52,00 €

  • von Geddi Qayad Suleiman Geddi Qayad
    19,98 €

  • - Xusuusqorkii Ololahii Qaaddiid: Xusuusqorkii Ololihii Qaaddiid
    von Abuukar Cawaale
    20,00 €

  • von Diini Cabdulqaadir C. Diini
    22,00 €

Willkommen bei den Tales Buchfreunden und -freundinnen

Jetzt zum Newsletter anmelden und tolle Angebote und Anregungen für Ihre nächste Lektüre erhalten.